Madaafiic lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay xalay weerar madaafiic ah ku ekeeyeen garoonka diyaaradaha caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhowr qof oo kamid ah dadka degaanka kuwaasoo magacyadooda qariyey ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay maqleen dareynka illaa shan madfac kuwaasoo dhanka jihada madaarka u dhacay.

Sidda ay muujinayaan warbixinada, ciidamada Itoobiya ee jooga garoonka ayaa dhankooda kaga jawaabay madaafiic kale.

Lama ogga khasaaraha ka dhashay falalka ay ku kaceen dhinacyadda. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in ay haleeleen guryo dad shacab ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkan oo xalay kasoo baxay dhanka mas'uuliyiinta ammaanka maamulka madaxweyne Qoor-qoor kaasoo horey u dafiray weeraro noocaan ah oo garoonka lagu qaadey.

Bartilmaameedsiga garoonka oo soo laab-laabtey ayaa muuqda mid bilow u ah silsilado weeraro oo argagixisada qorsheyneyso maadaama bilooyinkii lasoo dhaafay ay qiyaasitii in ka badan 3 jeer beegsatay.

Falalkaas ayaa yimid xilli Galmudug ay ku dhawaaqdey howlgalo saf-balaaran oo ay dib ugu qabsaneyso degaanada ay cadowgu ka haystaan isla markaana ay tababar u soo xirtay ciidamadii qaadi lahaa gulufkaas culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM