​Madaafiic lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa tiro madaafiic ah ku garaacay xalay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha Booliska maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada ayaa xaqiijiyay in madaafiicda ay ku dhaceen nawaaxiga Garoonka, islamarkaana aanay jirin wax khasaaro ah oo ay gaysteen.

Al Shabaaba ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka hoobiyaasha ah, kaasi oo lagu soo waramayo in lagu soo beegay xilli Garoonka ay kasoo degayaan Diyaaradao hub iyo saanad ciidan u siday AMISOM.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka Ciidamada amniga ay fuliyeen howlgallo ballaaran, oo lagu soo qabtey tiro dad ah, oo looga shakiyay inay wax ka ogaayeen hoobiyaasha lagu tuurey Garoonka.

Ciidamo Ethiopia ka socda, oo kamid ah AMISOM iyo kuwa katirsan Koonfur Galbeed, ayaa aad u ilaaliya amaanka Garoonka, oo isha dhaqaale ee ugu weyn maamulka Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

  • Soomaliya

    01-03-2026

  • 11:45AM

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM