Madaafiic lagu weeraray xarunta AMISOM ee Xalane iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro madaafiic ah ayaa lagu weeraray xerada Xalane, oo fariisin u ah ciidamada AMISOM, kuna yaallaan xaafiiyada UN-ka iyo Saradaado ay kamid tahay mida Mareykanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa war ay soo saartey ku shaacisay in 7 hoobiye ay ku ridey Xalane, kuwaasoo ay tilmaantay inay dhamaan ku dhaceen gudaha, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Dadka ku nool nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inay maqleen jugta madaafiicda maanta lagu weeraray saldhiga AMISOM ee Xalane, kaasoo amaankiisa aad loo adkeeyay, maadaama ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sareysa UN-ka.

Lama oga halka laga soo tuurey hoobiyeyaasha, iyadoo weerarkan uu imaanaya iyadoo wadooyinka jid-cadiyaasha dhexmara degmada Wadajir lagu gooyey dhagxaan, islamarkaana wadooyinka waaweyn ay fadhiyeen ciidamo boolis ah.

Muqdisho ayaa martigelinaysa weeraro qaraxyo, madaafiic iyo dilal isagu jira mudooyinkii dambe xilli madaxda sare ee dowladda Federaalka ay ku mashquulsan yihiin arrimo siyasaadeed, khilaafyo iyo faragelinta doorashoorinka maamul goboleedyada.

Bishii lasoo dhaafay, labo qarax oo baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray loo adeegsaday ayaa ka dhacay afaafka hore ee Aqalka Madxtooyadda, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM