Madaafiic lagu weeraray xero ay leeyihiin ciidanka Kenya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa lagu waramay in xalay lagu qaadey saldhig ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay ku leeyihiin degaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in ay maqleen dhawaqa dhowr hoobiyeyaal. Balse, waxay ka gaabsadeen khasaaraha dhabta ah iyo hadii bartilmaameedka ay ku dhaceen madaafiicda.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo dusha saartey mas'uuliyada falkaas ayaa xusay in ay ku dileen askar Kenyan iyo Soomaali ah. Balse masoo bandhigin caddeymo dheeri ah oo xoojinaya sheegashadooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Kenya ay weerarkaas uga jawaabeen madaafiic kale oo aan la ogeyn waxyeelada ka dhashay.

Sidda ay ku warameyso saxaafadda maxaliga ah, waxaa suurtagal ah in madaafiicda ay tureen ciidamada Kenya ay ku dhaceen aag rayid isla markaana dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ay sababeen.

Todobaadkii hore, todoba askari Kenyaan ah ayaa lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay inta u dhaxeysa magaalada Dhoobley iyo Hosingow. Al-Shabaab ayaana sheegatay mas'uuliyada falkaas geerida badan keenay.

Weeraradan ayaa imaanaya xilli Jubaland iyo taliska ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku fekerayeen in ay bilaabaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo qeyb ka ah xaqiijinta amniga doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM