Madasha waqtigeedu dhamaadey oo ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee Galmudug

Image

MUQDISHU, Somalia- Kadib markii xildhibaanada Barlamanka Galmudug xilkii ka qaadeen Madaxweyne Guuleed ayaa madaxda madasha qaranka ee waqtigoodu dhamaadey soo saareen warsaxafadeed ay ku diidan yihiin go'aanka aqalka wakiilada mamaulkaas.

Warsaxafadeedkaan ayaa ku soo beegmaya xilli aqalka hoose ee Barlamanka cusub Federaalka go'aan ku soo saareen in madaxda madasha uu waqtigoodii dhamaadey aysan go'aan siyasadeed ka gaari karin arimaha Somalia. 

Qoraalka madaxda madasha ayaa u qoraa sidatan:

Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)  Muqdisho 

11-12 January 2017 Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ay qadka telefoonka ah ku yeelatay 11-12 January 2017-da. Kulanka waxaa shir-gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Shekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble. 

Shirkan ayey madaxda Madashu kaga wada hadleen dhawaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Madashu iyadoo qiimaynaysa marxaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ee dhinaca abaaraha baahsan ee dalka guud ahaan ka jira iyo marxaladda kala guurka ah ee la xiriirta doorashooyinka dalka ka socda, sidoo kalena ahmiyad gaar ah siinaysa xasiloonida guud ee dalka ayey ka digtay talaabo kasta oo dalka guud ahaan ama gaar ahaan maamul gobolleedyada u horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amniba. 

Madasha ayaa sheegtay inaan xiligaan la aqbali karin talaabo sharcidarro iyo fowdo huwan oo qalaalaase siyaasadeed ka abuuraya dowlad Gobolleedka Galmudug, waxayna Madashu ku baaqday in la ilaaliyo lana dhawro Dastuurka iyo Habraaca Baarlamaanka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madashu waxay ku baaqdey in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka 

 Dhammaad ----  

Shador Haji  Agaasimaha Warfaafinta  Madaxtooyada Soomaaliya

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM