Madaxa UNSOM oo Kenya kala hadlay arrimaha Soomaaliya

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ergayga cusub ee dhawaan Qaramada Midoobey usoo magacawday Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Nairobi wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma.

Haysom, ahna madaxa howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM] iyo Monica Juma ayaa kawada hadlay khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo amniga dalka.

Arrimaha sidoo kale diiradda ku saareen kulanka ayaa waxaa kamid ah howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM], kaasi oo ay isla qireen inuu laf-dhabar u yahay dagaalka Al-Shabaab.

Labada Mas'uul ayaa ugu baaqay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey inay kordhiyaan taageeradda AMISOM, madaama la doonayo in Soomaaliya ka xorreeyaan Al Shabaab kahor 2020.

Kenya ayaa ciidamo ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah AMISOM tan iyo 2012, iyagoo ka howlgala Gedo iyo Jubbooyinka, oo kamid ah meelaha ay ku xoog badan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM oo dalka soo galay 2007 ayaa ilaaliya xaruumaha muhiimka ah ee dowladda, sida Madaxtooyadda, Gollaha Shacabka, Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM