Madaxda DF ma waxay maleegayaan ku shubasho doorashada 2020-21?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis ku aadan in ay meesha ka saaraan xubnaha la qoonsaday ee ay kusoo dareen guddiyada doorashooyinka qaranka sanadka 2020-21.

Villa Soomaaliya oo mas'uul ka ah geedi u socodkan godxaha badan leh ayaa ku fulineysa qorshaha uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo ku doonayo in uu ku difaacdo kursiga uu muddo xileedka ka dhacayo.

Afhayeenka Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo xisbiyadda mucaaradka ayaa si mideysan ugu eedeeyay hogaanka dalka in ay guddiyadda ku dareen xubno ka tirsan hay'adda sirdoonka iyo shaqaale dowladeed.

Xaashi oo si gooniya u naqdiyey xubnaha guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa ka shanqariyey in aan lagu kalsoonaan karin xubnaha "aan talo wadaaga" ku imaan, isagoo si gaar ah u duray dhexdhexaadnimadooda.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore ee warfaafinta, murashax madaxweyne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa "wax aan la aqbali karin" ku tilmaamay hanaanka loosoo xulay iyo xubnaha la magacaabay.

"Hadaba xubnaha guddiyadan dhowaan la magacaabay hadii shalay aysan u sinneyn madaxweynaha iyo dadka la tartamaya, berri way u siman yihiin si loo yiraahdo ma muuqato," ayuu xisbiga Dan Qaran ku yiri bayaan.

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa kasii afeefatay in Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay qaadayaan cawaaqibka magaacabidan guddiyada u raran dhanka Madaxtooyada si gaar ah muran ka dhasha natiijada coddeynta.

Sidda ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay Isbaheysigaan ay ku mideysan yihiin xisbiyada Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwa kale, talaabadan "waxay dhaawaceysaa in ay xor iyo xalaal noqoto doorashada".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wasiirkii hore ee Qorsheynta, murashax-madaxweyne iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo kashifay in xubnaha guddiyada yihiin sirdoon, ayaa ku taliyey in loo hogaansamo heshiiska iyo sharciga.

"Hadaba xisbiga Wadajir wuxuu ku baaqayaa in dib loogu noqdo magacaabida guddiyadan lana waafujiyo shuruudaha heshiiska doorashooyinka lagana tashado saamileyda siyaasadeed ee doorashadu si tooska ah u khuseyso, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada kalsoonaan karo," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Sabtidii kasoo baxay Xisbi siyaasadeedka Wadajir.

Hadii madaxda dowladda federaalka u naga-nug-laan waayaan qaylo-dhaanta iyo diidmada ka dhanka ah xubnaha ay guddiyada kusoo dareen, waxay u muuqanayaan kuwa maleegaya in ay ku shubtaan doorashadda soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM