"Madaxda DF waxay diyaarinayaan ciidan doorasho u booba"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda waqtiga dastuuriga ah ka dhamaadey ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay diyaarinayaan ciidamo u booba doorashooyinka, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu daaha ka rogay in taliska ciidanka uu haatan kala shaandheynayo askarta daacada u ah Farmaajo iyo kuwa diidan.

Sidda laga soo xigtay Warsame, taliyaha milatariga, Odowaa Yuusuf Raage, iyo taliyaha ciidanka lugta, Jeneraal Biixi, ayaa ku howlan kala saarida ciidamadaas oo kuwa shakiga laga qabo loo dirayo furimaha dagaalka argagixisada.

"Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan," ayuu Warsame ka dhawaajiyey.

Wuxuu ku daray: "Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka".

Siyaasiga ayaa kusoo xiray: "Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo".

Dhanka kale, taliska ciidamadda iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin sheegashadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Isku-dayo uu mareega Garowe Online doonayay in uu ku gaaro ayaanan guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM