Madaxda DFS oo si fiican u ciiday xilli shacabka jidadka laga xiray [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda sare ee dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa maanta si wadajir ah Salaaddii Ciidul-Fidriga ugu tukadey Masjidka Isbaheysiga, oo ku yaalla nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Khayre, qaar kamid ah Gollahiisa Wasiiradda, xubno katirsan labada gollee ee Baarlamaanka, Taliye-yaal Ciidan iyo mas'uuliyiin kale ayaa shacab aan badneyn kula tukaday Madaxweyne Farmaajo Masjidkan, oo amnigiisa si si weyn loo adkeeyay.

Salaadda kadib Farmaajo, ayaa jeediyay khudbad oo arrimo dhowr ah uga hadlay, isagoo marka hore shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada dulqaadka ay sameeyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan xilligaasi oo isku socodka Caasimadda ahaa mid aad u adag, islamarkaana la xiray inta badan wadooyinka.

Shacabka Muqdisho ayaa maanta ciidoodu ahayd mid aan farxad badan laga dareemeynin, kadib markii wadooyinka Caasimadda oo idil la xiray, iyadoo wadooyinka lagu arkayay dadweyne kala duwan oo cagtooda maalaya, si ay u gaaraan meelaha ay doonayaan.

Ciidamo cusub ayaa lagu soo daadiyay jidadka kuwaasoo mamnuucay isticmaalka gaadiidka dadweynaha, waxayna ku amrayeen shacabka, oo ay ku jireen dad da' ah, caruur iyo kuwa kale oo xanuunsan inay lugaayaan.

Ciid Mubaarak.!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM