​Madaxda Qaranka oo ku kala qeybsamay Weerarkii Bariire

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxda sare ee dowladda Federaalka Somalia, ayaa ku kala qeybsamay weerarkii shalay ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen aagga Baariire, ee lagu dilay 10 qof oo Beeralay ahaa.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa War Saxaafadeed uu soo saarey ku sheegay in weerarka lagu dilay 8 katirsan Al shabaab, isagoo dhanka kale beeniyay in dad shacab ah ay ku dhinteen ama waxyeello kasoo gaartey Howlgalka.

Eng Yariisow, oo soo xiganaya Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Ibraahim Cali ayaa yiri: Beerta la weeraray waxay ahayd saldhiga Al shabaab, dadka lagu dilay dagaalka waxay ahaayeen Al shabaab."

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Ibraahim Cali ayaa beeniyay inuu warkaasi yiri, isagoo intaasi ku daray in Eng Yariisow uusan la hadlin, sidaasi dareedna xigashada uu ku sameeyay ay been tahay.

Yariisow ayaa ka laabtey warkaasi Daqiiqado kadibna, waxa uu soo dhigay Facebook-giisa qoraal kale oo uu ku sheegay in dowladda ay baaris dhab ah ku sameynayso weerarka Bariire, islamarkaana shacabka la wadaagi doonto Macluumaadka Baaritaanka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia, Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale "Cirfiid" ayaa isna qiray in hwolgalka Bariire dadkii lagu dilay ay ahaayeen shacab Beeralay ah, oo ay ku jireen saddex caruur ahayd.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhankiisa ka hadlay Howlgalka Bariire, wuxuuna tilmaamay in Ciidanka ay Labo howlgalka ka fuliyeen aagga Bariire, islamarkaana aaney jirin Khasaaro soo gaarey shacabka deegaankaasi.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isna qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook-ga ku yiri: Waxaan Tacsi u dirayaa Eheladii iyo qaraabadii ka geeriyoodeen dadkii dhintay dhacdadii Bariire, waxaana sameyn doonaa Baaritaan dhab ah, oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen."

Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa soo saarey War saxaafadeed uu ku sheegay inay baarayaan eedaha sheegaya in dad shacab ah ay ku dhinteen weerarka Bariire.

Weerarka ka dhacay Bariire ayaa noqday mid kala qeybiyay Madaxda sare ee dalka, oo u muuqda kuwa aan lahayn hal Mowqif iyo Hay'ad oo u hadasha markii ay dhacdooyinka nooca ah ka dhacaan wadanka.

Odayaasha Beesha ay kasoo jeedaan dadka ay dowladda dishay ayaa kulan ku yeeshay Hotel ku yaalla Muqdishu, waxayna kasoo saareen baaq ah in baaritaano dhab ah lagu sameeyay falkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM