Villa Somalia oo wali ka aamusan jahwareerka Doorashada KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaanan ka hadlin eedaymaha culus ee loo jeedinayo, kuwaasi oo ku aadan faragelinta doorashada madaxtinimo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo shalay dib loo dhigay.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo dhamaantood is-casilay ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe inay gacmaha lasoo gashay arrimaha doorashada maamulkaasi.

Xilldhibaano ka tirsan labadda aqal ee Federaalka iyo midka Koonfur Galbeed ayaa si wadajir ah ugu dhaleeceeyay kaalinteeda aan wanaagsanayn ee doorashada, iyadoo taageero siinaysa musharaxiinta qaar, si ay ugu takhalusto Shariif Xasan.

Qaar kamida murashaxiinta u taagan doorashadda sida Shariif Xasan ayaa si lamid ah Villa Somalia dusha u saaray mas'uuliyadda ciwaaqib xumo kasta oo ka dhasha muranka doorashada, maadaama Baydhabo ay geysay musharixiin hubeysan.

Gollaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada ayaa ku dhaliilay dowladda inay dhaqaalo ku bixineysa faragelinta doorashooyinka gobolada iyadda oo dooneysa inay meesha ka saarto Madaxwane-yaasha hadda jira ee khilaafka uu kala dhaxeeya.

Waxay sheegeen Madaxda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in dowladda Federaalka ay ku dhawaad 80 Xildhibaan ay kasoo qaadey Baydhabo, kadibna ay geysay Muqdisho si ay u laaluushto, oo codadka u siiyaan musharaxa dowladda.

Dhamaan eedaymahaan dhawaqa culus ku socda, oo keenay inay maamulada xiriirka u gooyaan maamulka Madaxwayne Farmaajo, iyadoo dowladda marnaba jawaab waafi ah ka bixin tabashooyinka dowlad goboleedyada iyo eedeymaha loo jeediyay.

Balse, wasaaradda arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa soo saartay war-saxaafadeed kaasi oo ay ku sheegtau inaanu dib udhac ku imaan Karin doorashada Koonfur Galbeed, oo mugdi uu haatan ku jiro.

Ma cadda sababta ay dowladdu usoo hadal-qaadi la'dahay faragelinta lagu eedaynayo, inkastoo dadka indha-indheeya siyaasada Soomaaliya ay sheegayaan inay tahay wax aanan daah-saarneen kaalinteeda doorashooyinka maamulada si gaar ah dowlada gobolkeedka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM