Madaxda ku lugta leh askarta ku maqan Eritrea oo la kashifay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dukumiintiyo mukhaabaraad oo si gooniya uu warsidaha Garowe Online uga halay illo loo qaateen ah ayaa soo bandhigay macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan askarta Soomaalida ah ee ku maqan Eritrea.

Xogaha ku jira dukumiintiyada ayaa waxaa kamid ah in afar mas'uul oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey ay si gooniya uga dambeeyaan kiiskan qarsoodiga ahaa.

Saddex kamid ah shaqsiyaadkaas ayaa si weyn loo garanayaa waana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, agaasimaha hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Kulane.

Balse, shaqsiga aan waxba laga garaneyn balse uu GO daaha ka rogayo waa Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Maxamuud. Dukumiintiyada waxay muujinayaa in uu door weyn ku leeyahay kiiskan.

Cabdirisaaq oo muddo dheer ku noolaa xiriir weyna la leh mukhaabaraadka Eritrea isla markaana ay u dhaxdo haweenay u dhalatay waddankaas ayaa la rumeysan yahay in uu sidoo kale ku tababartay dalkaas.

Isku dayo uu warisdaha Garowe Online ku doonayay in uu jawaabo kaga helo Cabdirisaaq ayaan guuleysan. Sidoo kale, fariin qoraalo si gaar ah loogu diray telefoonkiisa gacanta kama uusan ka jawaabin.

Macluumaadka dhanka sirdoonka ayaa intaas ku daraya in Cabdirisaaq uu si wanaagsan uga hadli karo lahjada Tigray-ga isla markaana uu kaalin ku lahaa in askarta Soomaalida laga dagaalgeliyo Tigray-ga.

"Wuxuu yahay askari ay soo carbisay Eritrea halkaasoo uu kusoo barbaaray. Sidoo kale, wuxuu kamid ah saraakiisha dardargelisay xiriirka Muqdisho iyo Asmara," ayay ku dareen dukumiintiyadda la helay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa, sida tafaasiisha caddeyneyso, wuxuu ku talagalayey in uu askarta "ku aamusiyo mucaaradka kuna qabsado degmada Bu'alle".

"Kaalinta Qadar ee kiiskan waa mid muran ka taagan yahay balse waxay lahayd maalgelinta habraaca iyadda oo markii dambe isku day in ay iska leexido si aysan ula kulmin dharbaaxo caalami ah," ayay ku dareen laba illo wareed.

Ugu dambeyntii, dukumiintiyada ayaa waxay xaqiijinayaan in nidaamka qorista askartan lagu duufsadey in loo qaadayo Qadar uu ku saleysanaa qabiil gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay "si meesha looga saaro kuwa tunka waa-weyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Turkiga u saxiixay inuu yeesho 90% Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ee heshiiskan ayaa dhaliyay muran xooggan oo ku saabsan cadaaladda heshiiska.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 01:12PM

Midowga Yurub: Ma sii wadi karno kaligeen kharashka nabad ilaalinta Soomaaliya

Shirka Kampala ayaa noqon doona talaabo muhiim u ah dejinta ajandaha shir madaxeed la filayo in uu dhaco horraanta bisha Maajo.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 08:26AM