Hogaamiyeyaasha maamulada oo shir gaar ah yeeshay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu wadahadalo gaar ah uga bilowday magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb kadib fashilka ku yimid shirkii ay la yeesheen madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhacay.

Illo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in hogaamiyeyaasha ay diiradda saarayaan xaaladda siyaasadeed ee waddanka wajahayo iyo talaabada haboon maadaama hogaanka federaalka waqtiga ka dhamaadey.

"Madaxda waxay shalay bilaabeen in ay iska arkaan mar-xalada kala guurka waxaana kulamadooda ay soo gaareen illaa xalay," ayuu yiri mas'uul si dhow ula socda wadahadaladda oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in laga yaabo in hogaamiyeyaasha ay war-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda. Bayaankaas waxaa la rajeynayaa in ay kasoo muuqdaan qodobo ku saabsan shirka fashilmay iyo sababta keentay.

Wadaxaajoodyadda guuldareystay oo Jubaland iyo dowladda federaalka ay isku eedeeyeen waxaa xudun u ah qadiyada gobolka Gedo oo madaxweyne Farmaajo tanaasul ka sameyn waayey gaar ahaan maamulka doorashooyinka.

Dhanka kale, madaxda maamuladda ayaa la filayaa in ay baaqi kusii ahaadaan Dhuusamareeb labada maalin ee soo aadan, iyaga oo kawada qeybgeli doona munaasabada sanad guurada koowaad ee doorashada madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] taas oo qaban-qaabadeedu socoto.

Qoorqoor ayaa waxaa u buuxsantay muddo hal sano ah tan iyo markii la doortey, wallow guushiisa ay ku timid faragelin ay Madaxtooyda Soomaaliya ku sameysay geedi-u-socodka coddeynta, waxaana ay talaabadaas u qaadey sidii ay u soo saari lahayd musharax taabacsan taas oo muuqaneysa in ay ku guuleystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM