Madaxda maamullada Somalia oo Muqdishu u tagay shir muhiim ah

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxda maamullada Somalida ayaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, u tagay shir muhiim ah oo looga hadlayo xaaladda waddanka Somalia, waxaana soo qaban qaabisay dowladda Federaalka.

Shirkan ka furmi  doona magaalada Xamar ayaa looga xaajoonayaan kulanka caalamiga ah ee bisha soo socota ka dhici doono magaalada London.

Kulankan Muqdishu waxaa ka qayb galaya madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo hogaamiyaasha maamullada kala ah; Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Muqdishu si ay shirkaas uga qayb galaan.

Kulanka hogaamiyaasha Somalida ayaa la qorshaynayaa in laga soo saaro aragti midaysan oo madaxda dowladda Federaalka la hortagto kulanka caalamiga ah ee bisha May ka dhici doona magaalada London.

Shirkan caalamiga ah oo looga hadli doono arrimaha Somalia ayaa waxaa ku dhawaaqday Boqortooyada Ingiriiska kadib doorashadii Farmaajo, waxaana shir-guddoomin doona Ra’isal wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxwenaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM