Madaxda Puntland iyo Jubaland oo ka baaqsadey shir ka dhacaya Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyniyeyaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Deni yo Axmed Madoobe ayaa diiday inay Muqdisho tagaan, si ay uga qeybgalaan Shirka Somali partnership Forum oo sanadle ah.

Xogaha uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in labada Maamul Madaxdooda baajiyay safarka Caasimadda, iyadoo sababtana loo maleynayo khilaafka dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe.

Warar ayaa sheegay inay suurtagal tahay in Deni iyo Axmed Madoobe ay aaladda ZOOM-ka ay uga qeybgalayaan shrikii Iskaahsiga Beesha Caalamka iyo Soomaaliya, oo la filayo inuu furmo Isniinta soo socota.

Shirka oo looga hadli doono looga hadlayo kaalmada bani’aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga ayaa waxaa ka qeybgali doono Madaxda dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada iyo wakiillada beesha caalamka u fadhiya magaaladda Muqdisho.

Shirkan ayaa imaanaya xili dalka ay ka jirta xiisad siyaasadeed, oo ka dhalatay doorashooyinka lagu muransan yahay, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku eedeeyay Farmaajo inuu jebiyay heshiiskii doorashadda 17-kii September ay ku galeen Madaxda DF iyo Maamullada xarunta Villa Soomaaliya.

Musharixiinta Mucaaradka waxay qaadaceen ka qeybgalka doorashooyin ay qabanayaan gudiyo ay sheegeen inaysan dhex-dhexaad ahayn, oo lagu soo daray xubno katirsan NISA iyo shaqaalaha rayidka.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu Kismaayo ku qabanayo doorashadda Xildhibaanadda, hadii uu Farmaajo diido inuu Gedo kasoo saaro Ciidanka, islamarkaana loo ogolaado Jubaland inay maamusho labada degaan doorasho, oo DF Garbahaarey kala wareegtay.

Soomaaliya ayaa taagan jid isgoys ah, mana la oga jihada ay aadi doonto, doorasho loo dhan yahay ama fowdo iyo qalalaase keeni kara dagaal iyo inuu dalka dib ugu laabto halkii laga keenay 30 sano kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM