​Madaxda Somalia iyo beesha caalamka oo weerarka Galkacyo ka hadashay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada guuldarrooyin culus oo ku habsadey awgeed ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey weeraradii waxashnimada ee saaka argagixisada ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dad u badan shacab ay ku shahiideen.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan,” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii maanta shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gebagabo ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka ah ee Somalia Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo cambaareeyay falkii argagixisada Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa lagu cambaareeyay arrintii maanta ka dhacday magaalada Galkacyo, waxaana tacsi loogu diray dhammaan eheliyadda dadkii ku waxyeelloobay.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay madaxda dowladda Puntland iyo Xukuumadda lamana oga sababta ay uga aaamuseen masiibadii ka dhacday xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM