Madaxda Somalida oo dib uga noqotey magacaabista guddiyada doorashada

Image

BAYDHABO, Somaliya- Kulan maanta magaalada Baydhabo kulan ku dhexmarey madaxda Somalida iyo xubno ka socda Danjirayaasha beesha caalamka xubnahooda tageera geedi socodka doorashada Somaliya ayaa lagaga hadley guddiyo la magacaabey dhowaan

Wadahadalkaan kadib ayaa hadal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh waxaa lagu sheegey in dib looga noqdey guddiyadii Heer gobol iyo Federaal ee doorasho kuwasoo laga saarayo xubnaha siyaasiyiinta ah islamarkaana lagu badalayo guddiyo farsamo si loo helo kalsoonaado.

Warsaxafadeed si wada jir ah u wada qabteen Madaxweynaha Somaliya iyo ergeyga gaariga ah Qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Somaliya Mudane Xasan Shiikh yiri: " Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah.Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa daraadeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’.

Kulankaan ayaa sidoo kale beesha caalamka ka dalbatey madaxda dowlada Federaalka iyo maamulada iney joojiyaaan kulamada tirada badan oo ay uga hadlaan arrimaha Somaliya islamarkaana muhiim tahay in dhamaan howlaha dhiman ku dhameytiraan wadahadalkooda Baydhabo.

Madaxweynaha dowlada Somaliya ayaa bisha Jun 15,2016 qoraal uu kasoo saarey xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabey guddi doorasho Heer Federaal kaasoo ka koobnaa 22 xubnood oo isugu jira wasiiro, xubno ay soo dirsadeen maamulada Somaliya iyo dad loogu yeerey aqoonyahano.

Dhinaca kale madaxda maamulada Somaliya oo magacaabey guddiyo doorasho Heer gobol ayaa xubnaha ay u magacaabeen ka dhigey dad si gaar ah siyaasad ahaan ugu dhow halka ay kamid yihiin qaar xubno ka shaqeeya xafiisyada madaxtooyadooda iyo xildhibaano.

Talaabadaan ayaa dhabarjab ku ah madaxda Somalida oo joogteysatey kulamo ay ku karkarinayaan doorashada Somaliya iyadoo dad badan rumeysan yihiin in danahooda siyaasadeed ay ka leeyihiin isalamarkaana ku sameynayaan isbaheysiyo cusub. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM