Madaxda Soomaalida oo kuwada sugan Dhuusamareeb

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ku biiray hogaamiyeyaasha ku sugan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Deni iyo Axmed Madoobe oo ay wehliyaan wafdi ayaa Talaadada maanta ah waxay siyaabo kala duwan ku gaareen Dhuusamareeb, iyadda oo uu soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Axmed Madoobe ayaa Dhuusamareeb ku tegay diyaarad, halka Deni uu diyaaradda uga soo degay Cadaado isla markaana uu socdaal dhanka dhulka ah kusoo galay magaalada sababo ku aadan “feejignaan amni".

Shalay waxaa Dhuusamareeb ka degay madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kuwaas oo xalay si gaar ah u shiray kahor inta aysan ku biirin Deni iyo Madoobe.

Wadahaaladda ayaa la filayaa in ay bilowdaan maalinta berri oo qorshaha uu horey u ahaa in lasoo gabagabeeyo isla markaana uu shirku furmo 1-da Febraayo.

Qodobadda lagu waddo in madaxda ay diiradda saaraan xalkooda ayaa kala ah; ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda doorashooyinka ee lagu muransan-yahay iyo xulista wakiiladda Somaliland ee baarlamaanka.

Inkasta oo qadiyadahan ay madaxda ka heshiisay 17-kii September, 2020, haddana waxaa khilaafka ka taagan yahay qaabkii loo fulin lahaa.

Muddo xileedka madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu dhamaanaya 8-da Febraayo, waxaana muuqaneysa in shirka uusan soo idlaan doonin kahor taas oo meesha ka saareysa kulankii uu la qaadan lahaa xubnaha Labada Aqal ee xeerdejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM