Madaxda Soomaaliya oo Heshiis Ka Gaartey Khilaafka Khaliijka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii uu soo dhamaadey maanta kulan u dhexeeyey madaxda dowlada Soomaaliya iyo dowlada xubnaha ka ah Federaalka ayaa waxaa heshiis dadban laga gaarey khilaafkii siyaasdeed ee ka dhashey muranka u dhexeeya dowladaha Khaliijka.

Madaxda dowlada iyo maamulada oo muddo 8 cisho ah shir uga socdey ayaa qoraal ay soo wada-saareen qodobkiisa 1aad ka dhigey in hesishiis siyaasadeed lagu gaarey qodobadaan:


Siyaasadda

a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.

b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.

c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.

d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.

c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.


Qodobka Kowaad ee Heshiiskaan xubintiisa 4aad ayaa waxaa madaxda dowlada isla-garteen in mas'uuliyada Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa wadaaga ah la ixtiraamo taasoo macnaheeda ka dhigeysa in la isku afgartey in qdobka 53aad ee axdiga KMG ah iyo qodobka 54aad la aqoonsadey jiritaankooda.

Qodobka 54aad iyo 53aad ayaa labadabuba Dastuurka KMG ah waxaa awooda uu siinayaa dowlada Federaalka iyo maamulada marka laga hadlayo heshiisyada la xiriira arimaha dibada kaasoo qolo walbka u cuskaneysay go'aamadii ay ka-kala qaateen khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka.

Heshiiskaan toos uma laguma xusin wadamada Khaliijka balse sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay madaxda Soomaalida ayaa go'aansatey in aan magac ahaan la xusin balse la soo hadal qaado xalinta go'aamada keeney khilaafkaan.

Dhinaca kale heshisika guud ayaa sida qodobadiisa ka muuqda waxay si toos ah u taabanayaan xal gaarista khilaafyada hareeyey in hay'adaha dowliga dalka wada shaqeeyaan iyo in la helo dhisme ciidan Soomaaliyeed oo ka qayb qaata difaaca dalka. Halkaan Ka Akhri 

Dadka la socda siyaasada Soomaaliya oo warsidaha Garowe online la hadley ayaa sheegey in hadii lagu guuleysto fulinta qodobadaan ay noqon karaan kuwo saldhig u ah dib u dhisada qaranka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM