Madaxda Soomaaliya oo isku afgartey qodobo horudhac ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda Soomaalida ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho uga arrinsanaya xalka khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxay afartii maalmood ee lasoo dhaafay ee wadahadaladu u socdeen isku-afgartey afar qodob, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sida ay muujinayaan warbixinada uu GO ka helay xubno si weyn ugu dhuun-daloola wadaxaajoodyada, qodobada ay sida horudhaca ah isugu raaceen waa:

1: In qadiyada gobolka Gedo lagu xaliyo soojeedinta wadahadaladii ka dhacay caasimada ku meelgaarka maamulka Koonfur Galbeed Baydhabo

2: In is-mari-waaga xulista wakiilada Somaliland lagula xaliyo isla soojeedintii Baydhabo (oo ah in labada dhinac ee isku haya ay xubno isku mid ah ku yeeshaan nidaamka)

3: In ay shir guud isugu yimaadaan madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo, ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta, Rooble, iyo madaxwayneyaasha maamul goboleedyada.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in kulankan uu ujeediisu yahay in lagu soo afjaro madmadow iyo weji gabax dhexyaala hogaamiyeyaasha Soomaalida.

4: In munaasabada lagu saxiixayo heshiiska wadahadalada Afasiyooni ay kawada ka qeybgalaan isla markaana hadaljeedin ka sameeyaan dhamaan daneeyeyaasha.

Natiijada wadaxaajoodyada ayaa, sida ay xoguhu caddeynayaan, waxay u badan tahay in ay soo bixi doonto ugu yaraan Khamiista todobaadkan oo taariikhdu tahay 27-da bishan May, 2021.

Heshiiska ayaa waxaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan jadwalka doorashooyinka oo kalkii hore loo balansanaa 8-dii Febraayo, 2021 balse dib-u-dhac weyn uu ku yimid markii heshiiskii horey uu ka fuli waayey dhanka maamulka Farmaajo, sida ay sheegeen mucaaradka iyo qaar kamid ah maamulada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM