Madaxda ururka Ahlu Sunah Wal Jamaca oo soo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdishu, halkaasi oo ka furmayo shir lagu heshiisiinayo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Wafidgaan ayaa waxaa garoonka diyaardaha ku soo dhoweeyey Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Cabdi Farax Siciid " Juxa" iyo saraakiil ka tirsan wasaaradiisa.

Wafdi kale oo ka socda Galmudug ayaa ku sugan magaalada Muqdishu kuwaasi oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashii Carabeey iyo gudoomiye Cali Casir Gacal.

Dowladda Federaalka ayaa Labada garab dhex-dhexaadinaysa, waxaana ujeedka uu yahay inay gaaraan heshiis awood qeybsiga ah kahor doorashada Madaxweyanaha Galmudug oo dhici doonto 30-ka April.

Shirka ayaa la filayaa inuu furmo maalinta berri ah, waxaana uu socon doonaan dhowr maalmood.

Ahlu Sunna waxay shuruud ku xirtay heshiiska Galmudug, waxaana ay dalbatay in lacag malaayiin doolar ah mag-dhaw ahaan looga siiyo dhiigii uga daatay dagaalka Al shabaab todobadii sano ee lasoo dhaafay.

Galmudug ayaa horey ugu fashilantay isku-dayo Ahlu Sunna kula heshiin lahayd, intii uu xilka Madaxweyne hayay Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo is-casilay February markii uu xanuun soo wajahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM