Madaxii weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho oo Duqeyn lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqayn xooggan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo aanan wali la hubin dalka laga leeyahay ayaa ku beegsaday degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose saldhig ay ku sugaanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Idaacadda ku hadasha afka dowlada Soomaaliya ayaa baahisay Axadda maanta ah in weerarkaan cirka ah lagu dilay 11 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaal ay magaciisa ku sheegtay Subeyb.

Subeyb ayaa dhowaan loosoo magacaabay masuulka kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida ee gobolka Banaadir, sida laga soo xigtay warbixinta ay baahisay Idaacadda wararka ufaafisa xukuumada Muqdisho.

Ma jiro war rasmi ah oo jawaab u ah sheegashada dowladda Soomaaliya oo kasoo baxay xoogaga laga saarey Muqdisho sanadkii 2011-kii, balse wali dhaqdhaqaaqyo ka sameynaya gudaha iyo magaalda caasimada ah.

Mudo labo bil ku siman, waa horjoogihii sedaxaad ee argagaxisada ugu magacownaa gobolka Banaadir oo duqeyn lagu dilay waxaa horey loo dilay C/naasir iyo C/weli,” ayaa lagu yiri warka uu baahiyey Radio Muqdisho.

Duqayntaan ayaa kusoo aadaysa xili todobaadyo kahor uu Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika uu sheegtay in duqayn uu ka geystay qaybo kamid ah Jubooyinka uu ku naf-gooyey dagaalamayaal Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM