Madaxwayne Xaaf oo u hanjabay madaxda DF Soomaaliya [Daawo]

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya inay maamulkiisa ku hayso "faragelin qaawan" isagoo ka dalbaday Villa Somalia in laga joojiyo.

Xaaf ayaa intaas ku daray in Xukuumada Muqdisho ay iska indha tireyso hogaanka maamulkiisa, isagoo tusaale usoo qaatay wafdi ay dowladda u dirtay colaad beeleed ka aloolsan tuulada Kaxandhaale ee Galgaduud.

"Daaqadaha laga soo galayo hala joojiyo..Uma quurto dowlada in agoonta dagaalada ku waayey waalidkooda ay siiso 20-ka milyan oo ay kusoo kireysay diyaaradaha,” ayuu yiri Xaaf oo wariyeyaasha la hadlayay.

Galmudug oo haatan u kala qaybsan labo garab oo ku kala shaqeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa leh Madaxwayne, inkastoo midkoodna uusan aqoonsaneyn kan kale, mana muuqato saan-saan isku soo dhawaanshiyo.

"Dowladdu waxay naga haysaa faragelin qaawan, hadii nalaga joojin waayo, waxaan u la dagaalami doonaa sida Al-Shabaab, waanu isku tasheynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxwayne Xaaf.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta ay dowladda u soo direyso degaanada maamulkiisa, oo uu aaminsan yahay in lasoo qasbay ayuu ku tartarsiiyay inay ka biyo diidaan burburin uu sheegay in Galmudug lagu hayo.

"Waxaan ka cabsi qabnaa in sida Mukhtaar Roobow qoorta nalaga soo qabto, balse, halkaan ma ahan meesha ay ka sameyn karaan,” ayuu Xaaf, hadalkiisa daba dhigay.

Dowladda hadda jirta ee hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu dhaliilay inay isku dayayso sidii ay meesha uga saari lahayd hogaamiyayaasha maamulada ee aragti ahaan kasoo horjeeda, taasoo dalka gelisay khal-khal siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM