Madaxweyna Somalia oo magcaabay taliyihiisa Arrimaha Bulshada

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa magacaabay la taliyahiisa u qaabilsan dhinac arrimaha Bulshada, sida lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliya.

Warqadan oo ku taariikhaysan 26 bishan, ayaa Caasho Abokar Qaasim, loogu magacaabay  inay noqoto qofka Madaxweynaha Somalia kala taliya dhinaca arrimaah bulshada.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay khibrad u leedahay dhanka arimaha mujtamaca, waxayna  madax kasoo noqotay  xafiiska xiriirka arrimaha bulshada Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u xushay khasiyaad kala duwan kuwaasoo loo kala magacaabay jagooyin kala duwan, waxaana kamid ahaa; agaasinka Waaxyaha Madaxtooyada, iyadoo horay Madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimaha Hab Maamuuska iyo La Taliyihiisa dhinaca Amniga Qaranka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM