Madaxweyne Cosoble oo Xilkiisa halis ku jira [Akhriso Sababta]

Image

JOWHAR, Somalia - Xildhibaanno gaaraya 72 Mudane ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mooshinkan kalsooni kala noqoshada ah, ayaa loo gudbiyay Gudoonka sare ee Barlamanka, waxaana la filayaa in cod loo qaado kulanka ugu horeeya ee Gollaha yeelanayo maalmaha soo socda.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cosoble inuu ku xadgudbay Dastuurka Maamulka Hirshabelle, sidaasi awgeedna ay go’aansadeen inay xilka ka qaadaan.

Sidan ku cad Warqada Mooshinka, Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu haystaa Lix qodob oo kala ah, Jebin Qodobo Dastuuri ah, kutakrifal awoodeed, Xil-gudasho la'aan, Iska horkeenida Beelaha, Shaqo xumo Xukuumada ah, iyo la-tashiyo la'aan labada Golle ee Hirshabelle (Barlamanka iyo Wasiirada).

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka Hirshabelle Canab Cabdullaahi Ciise, ayaa sheegtay in Mooshinka laga keenay Madaxweyne Cosoble uu yahay mid Dastuuri ah, sidaasi darteedna uu gudoonka aqbalay.

Mooshinkan ayaa imaanaya, xilli ay shalay ay in ka badan 10 Wasiir iska casileen Xilalkii ay ka hayeen xukuumadda maamulka Hishabelle, kuwaasi oo ku biiray islamarkiiba ku biiran Mooshin, maadaama ay yihiin Xildhibaanno.

Wasiirada is-casilaya ayaa sida Warsidaha Garowe Online ogaadey, ka caroodey magacaabista 5 degmo cusub, oo uu dhawaan Madaxweynaha u magacaabay deegaanno ku yaalla gobolka Hiiraan, ee uu kasoo jeedo. Halkan ka akhriso.

Hirshabelle ayaa lugaha la gashay khilaaf iyo Jahwareer Siyaasadeed, xilli maamulkaasi uu yahay mid curdun ah, oo la aas-aasay dhamaadkii sanadkii 2016-kii, islamarkaana hadda ku gudaha jiray dhisamaha Hay'adihiisa.

Hoos ka akhriso Mooshinka iyo Xildhibaanada saxiixday magacayadooda:

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM