Madaxweyne Cosoble oo Xilkiisa halis ku jira [Akhriso Sababta]

Image

JOWHAR, Somalia - Xildhibaanno gaaraya 72 Mudane ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mooshinkan kalsooni kala noqoshada ah, ayaa loo gudbiyay Gudoonka sare ee Barlamanka, waxaana la filayaa in cod loo qaado kulanka ugu horeeya ee Gollaha yeelanayo maalmaha soo socda.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cosoble inuu ku xadgudbay Dastuurka Maamulka Hirshabelle, sidaasi awgeedna ay go’aansadeen inay xilka ka qaadaan.

Sidan ku cad Warqada Mooshinka, Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu haystaa Lix qodob oo kala ah, Jebin Qodobo Dastuuri ah, kutakrifal awoodeed, Xil-gudasho la'aan, Iska horkeenida Beelaha, Shaqo xumo Xukuumada ah, iyo la-tashiyo la'aan labada Golle ee Hirshabelle (Barlamanka iyo Wasiirada).

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka Hirshabelle Canab Cabdullaahi Ciise, ayaa sheegtay in Mooshinka laga keenay Madaxweyne Cosoble uu yahay mid Dastuuri ah, sidaasi darteedna uu gudoonka aqbalay.

Mooshinkan ayaa imaanaya, xilli ay shalay ay in ka badan 10 Wasiir iska casileen Xilalkii ay ka hayeen xukuumadda maamulka Hishabelle, kuwaasi oo ku biiray islamarkiiba ku biiran Mooshin, maadaama ay yihiin Xildhibaanno.

Wasiirada is-casilaya ayaa sida Warsidaha Garowe Online ogaadey, ka caroodey magacaabista 5 degmo cusub, oo uu dhawaan Madaxweynaha u magacaabay deegaanno ku yaalla gobolka Hiiraan, ee uu kasoo jeedo. Halkan ka akhriso.

Hirshabelle ayaa lugaha la gashay khilaaf iyo Jahwareer Siyaasadeed, xilli maamulkaasi uu yahay mid curdun ah, oo la aas-aasay dhamaadkii sanadkii 2016-kii, islamarkaana hadda ku gudaha jiray dhisamaha Hay'adihiisa.

Hoos ka akhriso Mooshinka iyo Xildhibaanada saxiixday magacayadooda:

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM