Madaxweynaha Galmudug iyo Keating oo kulmay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa Muqdishu kula kulmay Michael Keating, oo ah Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Somalia.

Keating ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Xaaf Guusha uu ka gaarey Doorashadii ka dhacday Cadaado, wuxuuna u balan-qaadey in Xafiiska UNSOM uu siin doono taageero lagu hormarinayo Galmudug.

Wakiilka QM iyo Madaxweyne Xaaf, ayaa kawada hadlay arrimo kale oo ay kamid ahayd; dib u heshiisiinta, amniga iyo macaluusha ka jirta deegaanada hoostaga maamulka Galmudug.

Waxaa loogu baaqay Xaaf inuu ahmiyada kowaad siiyo Dib-u-heshiisiinta, iyo sidii la isugu keeni lahaa maamulkiisa cusub iyo Ahlu Sunna, oo dhawaan ku kala tagey Kulan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmahan ku sugan Muqdishu,  ayaa wadda dadaallo kala duwan kawaday Muqdishu, kaasoo ku aadan sidii uu u heli laha ataageero ku aadan maamulkiisa.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay ku qaabiley Xaaf Villa Somalia, waxayna kawada hadleen Shirka London, iyo xiriirka wadashaqeyn ee dowladda dhexe iyo Galmudug.

Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay Todobaadkan u safraan magaalada London, oo 11-ka bishan May uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM