Madaxweynaha Galmudug iyo Keating oo kulmay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa Muqdishu kula kulmay Michael Keating, oo ah Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Somalia.

Keating ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Xaaf Guusha uu ka gaarey Doorashadii ka dhacday Cadaado, wuxuuna u balan-qaadey in Xafiiska UNSOM uu siin doono taageero lagu hormarinayo Galmudug.

Wakiilka QM iyo Madaxweyne Xaaf, ayaa kawada hadlay arrimo kale oo ay kamid ahayd; dib u heshiisiinta, amniga iyo macaluusha ka jirta deegaanada hoostaga maamulka Galmudug.

Waxaa loogu baaqay Xaaf inuu ahmiyada kowaad siiyo Dib-u-heshiisiinta, iyo sidii la isugu keeni lahaa maamulkiisa cusub iyo Ahlu Sunna, oo dhawaan ku kala tagey Kulan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmahan ku sugan Muqdishu,  ayaa wadda dadaallo kala duwan kawaday Muqdishu, kaasoo ku aadan sidii uu u heli laha ataageero ku aadan maamulkiisa.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay ku qaabiley Xaaf Villa Somalia, waxayna kawada hadleen Shirka London, iyo xiriirka wadashaqeyn ee dowladda dhexe iyo Galmudug.

Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay Todobaadkan u safraan magaalada London, oo 11-ka bishan May uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM