​Madaxweynaha Galmudug oo eedeeyay Puntland [Dhagayso]

Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay howlgal maanta ka dhacay Bariga magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, kaasoo lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo taageero ka helay Maraykanka, ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 dagaalyahan.

Weerarkan ayaa maamulka Galmudug dood adag ka keenay, iyagoo sheegay in la weeraray saldhig ciidamadoodu joogeen, waxayna geerida ku sheegeen 23 Askari iyo Afar baabuur oo la gubay.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta Cadaado soo gaaray, ayaa cambaareeyay howlgalkaas, waxuuna Puntland ku eedeeyay inaysan doonayn nabad kuwada noolaansho.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamadooda lagu tilmaamo Al Shabaab, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga gobolka.

Guuleed, ayaa xusay in maamulkiisa wax gacan saar ah la lahayn xarakada Al Shabaab, isagoo dowladda dhexe iyo maamullada dalka ugu baaqay inay dowladda Puntland diyaar u ahayn hishiisyadii la galay dabayaaqadii sannadkii hore.

Wuxuu Tacsi u diray mallayshiyaadkii lagu dilay howlgalka ciidamada Puntland iyagoo aas-qaran ugu sameeyay duleedka magaalada Galkacyo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland iyo dowladda Maraykanka, kuwaasoo si wadajir ah u fuliyay howlgalkan dhinaca kale u dhigtay xukuumadda Cadaado.

Arrintan, ayaa hurinaysa khilaafka xooggan ee labada dhinac u dhaxeeya.

Horay waxaa qaybo kamid ah gobolka Mudug uga soo duulay mallayshiyaad katirsan Al Shabaab kuwaasoo lagu jabiyay dagaallo ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM