Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Dilka Gudoomiyihii Galgaduud

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa ka hadlay Dilkii xalay Muqdishu loogu geestay Gudoomihii gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Cali, iyo Walaalkiisa Xasan Cali.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay gacanta ku soo dhigto gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilka Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo Walaalkiisa, oo Koox hubaysan ku toogteen Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid.

War kasoo baxay Xafiiska Xaaf ayaa lagu sheegay in Galmudug ay dalbanayso baaritaan in lagu sameeyo kiiskaasi dilka ah, kadibna gacanta lagu soo dhigo dadka dilka gaystay islamarkaana Cadaaladda la horkeenno dhagar-qabiyaashaasi caadaystay dilka dadka indhaha u ah umadda.

Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin dilka Gudoomiyaha Galgaduud.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda dilkaMaxamed Daahir Cilmi iyo Xasan Daahir Cilmi oo labaduba lagu dilay Xaafada Carafaat iyadoo halkaasi ku booqanayay Aabahooda oo xanuunsan. 

Gaariga Gudoomiyaha ayaa lagu horjaray gaari kale ay saarnaayeen dabley hubaysan, kadibna toogtey Marxuumka iyo Walalkiisa oo ahaa Nin Injineer ah, sida ay Goobjoogiyaasha xaqiijiyeen. Gudoomiyaha ma wadin wax ilaalo ah xilliga la dilayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM