​Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Mooshinka laga keenay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Muqdishu, ayaa ka hadlay Mooshin xilka qaadis ah oo ay ka keeneen qaar kamid ah Xildhibaanada maamulkaas oo ay ku saxiixnaayeen 50 mudane.

Guuleed ayaa ka gilgishay Mooshinkaas, isagoo Xildhibaanada ka codsaday inay dib u eegaan go'aankooda xilka looga qaadayo, iyagoo qiimeynaya marxalada mamalkiiisa uu ku jiro.

"Maanta kuma haboonayn, munaasabna kuma ahayn in mooshin noocaas ah la iga keeno, marka la eego marxalada lagu jiro, ee baaraha iyo amni darrada ah ee ka taagan deegaanada maamulka Galmudug," Ayuu yiri  mudane Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xusay in mooshinkan uu horseedayo is-qab-qabsi u dhaxeeya Hay'adaha dowliga ee maamulkaas, wuxuuna codsaday in laga taxadarro arrintaasi.

Wuxuu qiray in Barlamanka Galmudug uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado, sidoo kalena ay la xisaabtamaan Hay'adaha kala duwan ee maamulkaasi iyo madaxdooda intaba.

Xildhibaanada Mooshinka xil-ka-qaadista ka gudbiyay Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa loo doortay, sidoo kalena uu in muddo ah ka maqnaa magaalada Cadaado oo xarun ah maamulkaasi.

Mas'uulkan, ayaa muddo ku sugnaa magaalada Muqdishu ayaa ku mashquulsan doorashooyinka Somalia.

Guuleed oo xilal kasoo qabtey dowlada Madaxweyne Xasan Shaikh ayaa wararku sheegayaan in xiriirkoodu fiicneyn isagoo waayadii dambe qayb ka ahaa siyaasado looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM