​Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Mooshinka laga keenay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Muqdishu, ayaa ka hadlay Mooshin xilka qaadis ah oo ay ka keeneen qaar kamid ah Xildhibaanada maamulkaas oo ay ku saxiixnaayeen 50 mudane.

Guuleed ayaa ka gilgishay Mooshinkaas, isagoo Xildhibaanada ka codsaday inay dib u eegaan go'aankooda xilka looga qaadayo, iyagoo qiimeynaya marxalada mamalkiiisa uu ku jiro.

"Maanta kuma haboonayn, munaasabna kuma ahayn in mooshin noocaas ah la iga keeno, marka la eego marxalada lagu jiro, ee baaraha iyo amni darrada ah ee ka taagan deegaanada maamulka Galmudug," Ayuu yiri  mudane Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xusay in mooshinkan uu horseedayo is-qab-qabsi u dhaxeeya Hay'adaha dowliga ee maamulkaas, wuxuuna codsaday in laga taxadarro arrintaasi.

Wuxuu qiray in Barlamanka Galmudug uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado, sidoo kalena ay la xisaabtamaan Hay'adaha kala duwan ee maamulkaasi iyo madaxdooda intaba.

Xildhibaanada Mooshinka xil-ka-qaadista ka gudbiyay Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa loo doortay, sidoo kalena uu in muddo ah ka maqnaa magaalada Cadaado oo xarun ah maamulkaasi.

Mas'uulkan, ayaa muddo ku sugnaa magaalada Muqdishu ayaa ku mashquulsan doorashooyinka Somalia.

Guuleed oo xilal kasoo qabtey dowlada Madaxweyne Xasan Shaikh ayaa wararku sheegayaan in xiriirkoodu fiicneyn isagoo waayadii dambe qayb ka ahaa siyaasado looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM