Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada [ AKHRI]

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa galabta ku dhawaaqay Gollahiisa Wasiirada cusub, kuwaasi oo u badan xubno kasoo mid noqday Xukuumaddii Cabdikariin Xuseen Guuleed. 

Gollaha Cusub waxuu ka kooban yihiin 22 Wasiir, 22 kuu xigeen iyo 8 Wasiiru dowle, oo noqonaysa Xukuumad ka kooban 52 Xubnood.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaanada Barlamanka Galmudug inay Codka Kalsoonida siiyaan Wasiiradiisa.

Wasiirada cusub kama aysan soo dhex-muuqan xubno matalaya Ahlu Sunna, oo si aad ah uga soo horjeeda Galmudug, horeyna u diiden inay la gashay heshiis lagu mideynayo labada maamul, ee iska soo horjeeda, islamarkaana kawada taliya wax ka yar labo gobol.

Magacaabista Wasiirada ayaa imaanaysa, xilli Xildhibaanada Barlamanka Galmudug ay diideen dalab uga yimid Madaxweyne Xaaf, oo ahaa inuu soo celiyo Wasiiradii maamulkii Cabdikariin Guuleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM