Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay safiiro

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu magaaladda caasimada ah ee Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah safiirada wadamadda caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Dhinacyada uu Axmed Ducaale Xaaf la shiray ayaa kala ah; James Swan, erayga UN-ka, Francisco Madeira, wakiilka Midowga Afrika, Maxamed Guyo, safiirka IGAD, Ben Fender iyo Rahul Chabbra danjireyaasha UK iyo India.

Xafiiska Xaaf oo war-saxaafadeed kasoo saarey shirarkan oo siyaabo kala gooni gooni ah u qabsoomey ayaa shaaciyey in laga xaajoodey dib u heshiisiinta iyo arrimo ku saabsan doorashada la filayo in uu maamulkan galo.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu diblumaasiyiintan lasoo qaadey siyaasadda, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo maamusha qeybo kamid ah degaanada maamulkaasi.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadda oo uu madaxweyne Xaaf uu todobaadkan muddo sanad iyo bilooyin ah kadib uu soo cago dhigtey Muqdisho markii heshiis uu la galay dowladda oo lagu soo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay.

Saacado kadib markii uu caasimada lagu soo dhaweeyay, Xaaf ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay madaxweyne Farmaajo, kaasi oo ay kawada arrin-sadeen xaaladihii ugu dambeeyay.

Heshiiskaasi ayaa waxaa qeyb ka ah in doorashadda maamulkan Galmudug ay qabsoonto bishan July 2019, isla markaana magaaladda Dhuusamareeb ay martigeliso shir dib-u-heshiisiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM