​Madaxweynaha Galmudug "Waxaan rabnaa Galkacyo inay gasho gacanta hal maamul"

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo maanta ku noqdey Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa ka hadlay saan-saanta dagaal ee maalmahan laga dareemayo magaladaas, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo.

Guuleed ayaa sheegay in magaaladan ku taalo meel taariikhi sidaas awgeed ka shaqaynayaan in loo istaago sidii xasilooni looga dhalin lahaa.

Wuxuu xusay in ka Galmudug ahaan diyaar u yihiin in Galkacyo noqoto magaalo xasiloon, dadkeedu ku noolaadaan barwaaqo iyo amni waara, wuxuuna dowladda Puntland u soo jeediyay in fikirkaasi kala shaqeeyaan.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa xusay inaysan doonayn in Galkacyo noqoto magaalo kala qaybsan oo ku jirta gacanta labo maamul, wuxuuna taas badalkeeda tilmaamay inay ka shaqaynayaan sidii hal maamul uga talin lahaa.

Wuxuu Puntland ugu baaqay inay joojiso hadallada xanafta leh ee ay had iyo jeer mariso warbaahinta, isagoo soo jeediyay in lala fahmo wanaaga ay wadaan.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Galmudug dowlada Puntland weli kama hadlin. 

Hadalka Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Galkacyo maalmahan laga dareemayay xiisad colaadeed oo ka dhalatay dhisme laga dhisayo Galbeedka magaalada halkaasoo la sheegay in lagu kala wareejinayo gawaarida isaga kala goosha Puntland iyo Koonfurta waddanka Somalia.

Talabadaan ayaa waxaa dabada ka riixaya wasiirka howlaha guud ee Puntland kasoo la sheegey in talaabadan ka leeyahay dano dhaqaale ee qarsoon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM