Madaxweynaha HirShabeelle oo gaarey magaalada Beledweyne

Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Somaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta oo Khamiis ah gaarey magaalada Beeldweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan. 

Madaxda maamulka, Saraakiisha Ciidanka iyo Dadweyne aad u badan ayaa Garoonka Diyaaradaha kuso dhaweeyay Madaxweyne Waare, iyadoo amaanka guud ee magaalada Beledweyne aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayay Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Wararka aan ka helayo Illo ku dhaw Madaxtooyada HirShabeelle, ayaa sheegaya in ujeedka Safarka Madaxweyne Waare ee Beledweyne ay la xiriirto sidii uu usoo qancin lahaa Mas'uuliyiin maamulkaasi kasoo horjeeda, oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle, oo la doortey September 16, ayaa lagu wadaa inuu Kulamo la qaato Mas'uuliyiin kala duwan, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidanka, oo uu kala hadli doono sidii loo taageeri lahaa maamulka cusub, ee uu isaga majaraha u qabtey dhawaan.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo xilkii ay ka qaaday Barlamaanka maamulkaasi 14-kii August ayaa Beledweyne kawado abaabul xooggan, oo uu ku dhisayo Maamul lagu magacaabo HiiraanLand, kaasi oo Beesha Caalamka ay ka digtay dhismihiisa.

Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in 27-ka bishan lagu caleema-saaro magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka qeybgali doona Madax ka socota dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM