Madaxweynaha HirShabeelle oo gaarey magaalada Beledweyne

Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Somaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta oo Khamiis ah gaarey magaalada Beeldweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan. 

Madaxda maamulka, Saraakiisha Ciidanka iyo Dadweyne aad u badan ayaa Garoonka Diyaaradaha kuso dhaweeyay Madaxweyne Waare, iyadoo amaanka guud ee magaalada Beledweyne aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayay Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Wararka aan ka helayo Illo ku dhaw Madaxtooyada HirShabeelle, ayaa sheegaya in ujeedka Safarka Madaxweyne Waare ee Beledweyne ay la xiriirto sidii uu usoo qancin lahaa Mas'uuliyiin maamulkaasi kasoo horjeeda, oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle, oo la doortey September 16, ayaa lagu wadaa inuu Kulamo la qaato Mas'uuliyiin kala duwan, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidanka, oo uu kala hadli doono sidii loo taageeri lahaa maamulka cusub, ee uu isaga majaraha u qabtey dhawaan.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo xilkii ay ka qaaday Barlamaanka maamulkaasi 14-kii August ayaa Beledweyne kawado abaabul xooggan, oo uu ku dhisayo Maamul lagu magacaabo HiiraanLand, kaasi oo Beesha Caalamka ay ka digtay dhismihiisa.

Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in 27-ka bishan lagu caleema-saaro magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka qeybgali doona Madax ka socota dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM