Madaxweynaha HirShabeelle oo la kulmay xubno kasocday UN-ka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE, Somalia- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaatay, Xubno ka tirsan Qaramada Midoobay, iyagoo kawada hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada maamulkaas.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Ku wehlinayay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbixin ka dhageysay Saraakiisha QM, oo ku Aadan Waxqabadkooda, Iyo qorshayaasha uga degsan mashaariic fulinta deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa Ka dalbaday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne in ay muujiyaan doorkooda kaga Aadan dib u dhiska, horumarinta Guud ahaan Deegaanada Hirshabeelle, Iyo inay xalliyaan Cabashada dadka Deegaanka oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Cosoble ayaa sidoo kale ka dalbaday Saraakiishani UN-ka inta kulankooda ay Ku guda jireen, in ay si Dhow ula shaqeeyaan Hey'adaha kala duwan ee maamulkiisa.

Intaasi kaddib ayaa Saraakiisha Qaramada Midoobay waxa ay soo dhoweeyeen Wasiirada Cusub ee dhawaan maamulkaas loo soo dhisay, waxayna ay balanqaadeen in Dowladda Hirshabelle ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan, ayna u qorsheysantahay dhowaan in ay mashaariicyo ka fuliyaan deegaanada maamulkaas.

Degmooyinka Hirshabelle sida Jowhar Iyo Degmada Jalalaqsi, waxaana ay sheegeen in ay socdaal Ku tagi doonaan dhawaan.

Arbaca soo socota ayaa loo ballansanyahay in labada dhinac kulan kan ka ballaaran yeeshaan iyagoo kawada hadlaya wada-shaqayn dhex-marta HirShabeelle iyo Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa timid dhawaan markii mas'uul katirsan xukuumadda uu dhaliilay wada-shaqaynta Qaramada Midoobay la leeyihiin maamulkan la dhisay dabayaaqadii sannadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM