Madaxweynaha HirShabeelle oo si kulul uga hadlay Qaadkii kasoo dagi wayay Jowhar

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdishu kadib safar uu kasoo laabtay degmada Buulo Burde, ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay in cuna-qabatayn lagusoo rogo dhaqaalaha maamulkaas.

Wuxuu sheegay in diyaaradahii labadii maalin ee ugu dambaysay ka dagaysay Jowhar ay joojiyeen shakhsiyaad leh dano gaar ah, isagoo xusay in arrintan kala hadlay Ra’isal wasaaraha, balse uu ku wargaliyay inuusan ka war hayn.

Cosoble, ayaa cadeeyay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu soo dhaweeyo cid walba oo badeeco kala soo dagaysa deegaanada maamulka HirShabeelle.

“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa,” Ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Wuxuu xusay inay socdaan baaritaano ku aadan cidda hakisay diyaaradahii Jaadka keenayay Jowhar maalmahan, isagoo sheegay in waxyaabaha qaybtood keeni karaan bur-bur siyaasadeed, wuxuuna sheegay inuusan jirin maamul ka tabar yar maamul kale oo ka jira Somalia.

“Waxaan Xaqiijineynaa Cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa Xaqiiqdi waxay tahay Hirshabeelle laguma xadgudbi karo sida aan loogu xadgudbi Karin dastuurka, Dastuurka ayaa siinaya awoodaha uu leeyahay Dowlad goboleedka, Cidna Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xuquuqdeeda kuma tuman karto,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli la joojiyay in diyaaraha Qaadka keena ay ka degaan magaalada Jowhar sababo aan la shaacin, kuwaasoo markii hore ugu wareegay canshuuro dheeraad ah oo ay kusoo rogtay wasaaradda maaliyadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ammaanka iyo bilicda magaalada Gaalkacyo oo shir laga yeeshay

Shirkan waxaa guddoomiyey Duqa Degmada Gaalkacyo Mr Maxamed Cabdirisaaq Daacad.

  • Soomaliya

    20-11-2024

  • 07:45AM

Howlgelinta Ilaalada Xeebaha Boliiska ee amniga Badda Soomaaliya oo laga shiray

Xubnahan waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Xafiiska Maalgelinta ee Bariga iyo Koonfurta Afrika Mrs Sabrina BAZZANELLA.

  • Soomaliya

    19-11-2024

  • 03:37PM