Madaxweynaha Jabuuti oo ku wajahan Muqdisho iyo wadooyin la xiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaamianayo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu soo gaaro magaaladda Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka muhiimka ah ee ku dhaw Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyadda, waxaana ay hakad geliyeen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Madaxda sare ee DF ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde si ay usoo dhaweeyaan Madaxweyne Geelle, oo u imaanaya Muqdisho inuu xariga ka jaro Safaarad cusub oo Jabuuti ka dhisatay degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu safar ku tagi doono gobolka Hiiraan, halkaasi uu uu ku booqan doono ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM