Madaxweynaha Jubaland oo Garoowe soo gaarey

Image
Image
Image
Image
Image

July 11, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa goor dhow soo gaarey magaalada Garowe. 

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Jubaland  kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey xarunta madaxtooyada.

Axmed Madoobe muddada uu Garowe ku sugan yahay, waxay la kulmi doonaa madaxda ugu sarreysa Puntland, isimmada iyo qaybaha kale ee bulshada. 

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulammadaas diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah: hirgelinta nidaamka federaalka, maamulka Cadaado iyo; xiriirka Puntland iyo Jubaland kala dhexeeya Dowladda Federaalka. 

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Jubaland ka qayb qaadan doono xal u helista xiisadda ka tagan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo saddex asbuuc ah isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo. 

Jubaland ayaa dhowaan shaacisay inay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Baarlammaanka Federaalku u codeeyey in baarlammaanka Jubaland yahay mid lagu soo dhisay qaab aan sharci ahayn. 

Waa markii labaad intii lagu guda jirey sanadkan 2015 ee Madaxweynaha Jubaland  booqasho ku yimaado Puntland.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirrada dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa... 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM