Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Hanti dhowre

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa magacaabey Hanto dhowre cusub, oo markii ugu horeysay ay yeelato Jubbaland tan iyo markii la aas-aasay 2013.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maalintii shalay, balse maanta ka shaaciyay ayaa loogu magacaabey Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayid, Hanti-dhowrka guud ee maamulk Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa wajahay xilliga cadaadid xooggan isagoo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyada aad u xumaaday tan iyo markii uu billowday khilaafka Khaliijka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowr jeer eedeymo cul-culus u jeediyay dowladda Federaalka, oo uu sheegay inay wado qorshe ay ku burburinayso maamul goboleedyada, sidoo kalena aysan dooneynin inay fuliso heshiisyadii ay wada galeen.

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM