​Madaxweynaha Kenya oo Muqdishu yimid iyo madax la sugayo

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa iminka soo gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaasoo qayb ka ahay madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka IGAD ee maanta ka furamaya caasumadda dalka.

Uhuru ayaa ku biiray madaxweynaha Jabuti, Ra'isal wasaaraha Ethiopia iyo madax kale oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lasoo dhoobay ciidamo tiro badan, waxaana la adkeeyay dhammaan waddooyinka magaalada gaar ahaan Hotelka Peace oo shirku ka qabsoomayo.

Madaxweynaha Somalia iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa ku sugan hotelka isagoo soo dhaweynayay dhammaan wufuudda imaanaysa.

Xasan Sheekh oo xilku ka dhammaday ayaa shirkaasi hogaamin doona, waxaana la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha dalka Somalia iyo xasaradaha ka taagan dalka yar ee Suudaanta Koonfureed.

Waa markii ugu horraysay 30 sano kadib shirkan oo kale ka dhacayo dalka Somalia oo muddo la daalaa dhacayay dagaallo iyo fowdo siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM