​Madaxweynaha Kenya oo Muqdishu yimid iyo madax la sugayo

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa iminka soo gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaasoo qayb ka ahay madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka IGAD ee maanta ka furamaya caasumadda dalka.

Uhuru ayaa ku biiray madaxweynaha Jabuti, Ra'isal wasaaraha Ethiopia iyo madax kale oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lasoo dhoobay ciidamo tiro badan, waxaana la adkeeyay dhammaan waddooyinka magaalada gaar ahaan Hotelka Peace oo shirku ka qabsoomayo.

Madaxweynaha Somalia iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa ku sugan hotelka isagoo soo dhaweynayay dhammaan wufuudda imaanaysa.

Xasan Sheekh oo xilku ka dhammaday ayaa shirkaasi hogaamin doona, waxaana la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha dalka Somalia iyo xasaradaha ka taagan dalka yar ee Suudaanta Koonfureed.

Waa markii ugu horraysay 30 sano kadib shirkan oo kale ka dhacayo dalka Somalia oo muddo la daalaa dhacayay dagaallo iyo fowdo siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM