Madaxweynaha Koofur Galbeed oo tagay Waajid

Image

WAAJID, Somalia – Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaarey degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha oo ahaa dhanka hawada, ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Waajid, mas'uuliyiin sare oo katirsan maamulka, Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed, qaranka iyo kuwa Ethiopia.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa la kulmay mas'uuliyiinta iyo Taliyaasha ciidamada, waxaana ay kawada hadleen xaaladda amni iyo mida bini'aadanimo, ee xilligan ka jirta Waajid iyo Tuulooyinka hoostaga.

Madaxweynaha ayaa maamulka Degmada ku wareejiyay Lacag dhan $25,000 (Shan iyo Labaatan Kun oo Doolar) si loogu Caawiyo Dadka ay Abaartu saameysay, oo hada ay gaajo iyo nafo darri baahsan haysato.

Booqashada Shariif Xasan ee Waajid ayaa kusoo beegmaysa, xilli degmadaasi ay mudo 3 sano ah ay go'doomin ba'an ku hayaan Al shabaab, islamarkaana dadka ku nool ay wajahayaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah.

Todobaadkii lasoo dhaafey, Al shabaab ayaa saacado kooban la wareegtay degmada, kadib markii ay weerareen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, oo markii dambe isaga baxay degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM