​Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baraawe tagay

Image

BARAAWE, Somalia- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Safarka Shariif Xasan ayaa salka ku haya dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsantahay xarig jarka xarunta madaxtooyada maamulkaasi iyo garoonka diyaaradaha.

Dadka ku nool degmada Baraawe ayaa soo dhaweyn u sameeyay mas'uuliyiinta iyadoo la filayo inuu kulamo la qaato shacabka qaybahiisa kala duwan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la hadlay dadkii soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Baraawe,wuxuuna shacabka u sheegay inay dowladdu la joogi doonto maadama xarigga laga jarayo xaruntii ay ku shaqayn lahaayeen.

Degmada Baraawe ayaa xarun u ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa inay usoo wareegaan maadama ay muddo gacanta ugu jirta Al Shabaab, balse sannadkii  2014 laga xoreeyay.

Waxaa muddoonkii dambe magaalo xeebeedka Baraawe ka socday dhismayaal kala duwan maadama dadka deegaanka saadilanayeen inay xukuumaddu usoo wareegto maadama ay si  KMG ah ugu shaqayn jirtay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Muddo kooban ayaa wafdigan ku sugnaan doonaan magaalada Baraawe iyadoo indho indhayn lagu samayn doono xaaladda amni iyo midd dhaqaale ee degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM