Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday Diin-soor

Image

BAYDHABO, Somalia- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay degmada Diin-soor ee gobolka Baay.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa Madaxweynaha, waxaa ku wehelinayay xubno katirsan golayaasha xukuumadda iyo Barlamaanka.

Safarka Diin-soor ee Madaxweyne Shariif ayaa la xariiray dhinaca ammaanka iyo u kuurgalista xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan degmadaas.

Wuxuu booqday xeryo ciidan oo halkaas ku yaalla isagoo sidoo kale la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo kala hadlayay sidii loola shaqayn lahaa ciidamada nabad-galyada maamulkiisana gacan looga siin lahaa sidii Koonfur Galbeed looga saari lahaa ururka Al Shabaab.

Shariif Xasan oo mar uu ka hadlayay qorshaha xukuumadiisa kaga aadan dhinaca ammaanka, wuxuu sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan duullaanka ka dhan ah ururuka Shabaab oo ku eedeeyay inay dhibaato weyn ku hayso gobolka.

Wuxuu bulshada Diin-soor ku ammaanay sida ay markasta uga shaqeeyaan hormarka iyo xasiloonida, isagoo ballan qaaday in dowladiisu il gooni ah ku eegi doonto.

Booqashadan ayaa qayb ka ah safarro kala duwan oo Madaxweynaha maamulkaasi ku tagay degmooyin katirsan gobolka Baay oo hadda ay ka jirto xaalad amni darro iyo mid abaareed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM