​Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Mooshin laga diyaarinayo

Image

BAYDHABO, Somalia- Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe Xilka looga qaadayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa arrimo ku aadan doorashooyinka kasocda dalka Somalia.

Kudhawaad 80 mudane oo katirsan Xildhibaanada maamulkaas, ayaa isku raacay in la gudbiyo mooshin xilka ka qaadis ah, taasoo la filayo in maalmaha soo socda la horkeeno fadhiga golaha shacabka.

"Adeer Mooshinkaas waa jiraa, waxaa wado xildhibaano katirsan Barlamanka Koonfur Galbeed, waxaana la keenay kadib markii Madaxweyne Shariif Xasan ku fashilmay howlihii loo igmaday,"Sidaas waxaa GO u sheegay mudane katirsan Barlamanka maamulkaas oo codsaday inaan magaciisa la baahin.

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo mooshinkaas ayaa sheegaya in muddooyinkii dambe Xildhibaanada Koonfur Galbeed wadeen qorshe xilka looga qaadayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku guul darraystay in booska Guddoomiyaha Barlamanka Somalia kusoo baxo qof aan kasoo jeedin maamulkaas.

Lama oga qorshahan inuu la xariiiro arrintaas iyo in kale, balse waxay mudanayaashu ku doodayaan inuu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Xildhibaanada, ayaa sidoo kale tilmaamay in dhowr jeer oo hore kala hadleen Madaxweynaha sidii uu sixi lahaa waxyaabaha khaldan, balse ka dhaga adaygay sida ay hadalka u dhigeen.

Todobaadkan mar uu magaalada Baydhabo ku laabtay Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuu sheegay inuu sameeyay dadaal ku aadan doorashooyinka waddanka ka dhacayay, balse ku guul darraystay in dadka kasoo jeeda maamulkiisa helaan booska Madaxweynaha ama Ra'isal wasaaraha Somalia maadama ay ballantii uga baxeen rag qorshahaas isla wadeen.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada, balse tallaabada ayaa taba socota mid Barlamanka Galmudug xilka uga qaadeen Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isna kamid ah raggii ku mashquulsanaa arrimaha doorashada dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM