​Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia oo is-sharaxay

Image

BAYDHABO, Somalia- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta hortagay Xildhibaanada maamulkaas oo u gudbiyay codsi ah inuu is-sharaxo dowladda Federaalka Somalia isagoo jagadiisa haya.

Shariif Xasan, ayaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka codsaday inay u ogolaadaan inuu u tar-tamo xilka ugu sareeya waddanka [Madaxweynaha dalka Somalia], si uu qayb uga noqdo dadaalada la doonayo in dalka looga saaro xaaladdan adag.

Mudanayaasha golaha shacabka Koonfur Galbeed, ayaa bilaabay inay arrintaas cod u qaadaan, waxayna si buuxda u taageereen tallaabada uu qaatay madaxweynuhu iyagoo xusay inay garab taaganyihiin.

Shariif Xasan Shiikh Aaden, ayaa sidoo kale mudanayaasha  Barlamanka kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo guud ahaan marxaladda kala guurka ah, isagoo xusay inay u baahantahay feejignaan iyo in si midaysan looga shaqeeyo hormarka Somalia.

Xaaladda ammaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayuu soo hadal qaaday, maadama muddooyinkii dambe Deegaano ka tirsan gobolka Baay kasocdeen dagaalo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada dowaldda oo garabsanaya AMISOM, wuxuuna ku baaqay in loo istaago ilaalinta xasiloonida Deegaanada hoos yimaada Maamulkaasi.

Tallaabadan, ayaa timid xilli muddooyinkii dambe la hadal hayay warar sheegaya in Shariif Xasan u sharaxanyahay madaxwenaha Somalia, wuxuuna bishii hore qorshahan kala hadlay waxgaradka Koonfur Galbeed.

Shariif, ayaa soo noqday Guddoomiyaha Barlamanka dowladdii tan ka horaysay ee KMG ahayd, wuxuu mowqifkiisa shaaciyay kadib markii uu kasoo laabtay labo maalin ka hor magaalada Dubai oo ku shireen qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM