Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna oo magacaabay Taliyaal ciidan

Image

DHUUSA-MAREEB, Somalia- Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa magacaabay Taliyaal Cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa 14 bishan, kuwaasoo ka howl gali doona gobollada dhexe sida lagu sheegay wareegtadaas.

Sheekh Shaakir ayaa qoraalka uu taliyaashaas ku magacaabay, wuxuu ku tilmaamay inay baahi u qabaan taliyaal hogaamiya ciidamadooda ka howl gala gobollada dhexe.

Wareegtadan ayaa u muuqatay in maamulkaas uu isu arko mid kamid ah kuwa ka jira federaalka ee qaybta ka ah dowladda dhexe, waxaana tigreeda ku qoran “Maamulka gobollada dhexe”.

Tallaabadan ayaa timid xilli dhawaan uu fashilmay wada-hadal u dhaxeeyay iyaga iyo maamulka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa gacanta ku haysa qaybo kamid ah degmooyinka gobollada dhexe kuwaasoo qaybtood ay ka saareen ururka Al Shabaab.

Dhawaan kama aysan qayb galin doorashadii ka dhacday Cadaado ee lagu soo doortay Xaaf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM