Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ka Hadlay Mukhtaar Roobow

Image

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiekh Aadan ayaa si diiran u soo dhaweeyay xayiraad-dii ay dowladda Maraykanka ka qaaday afhayeenkii hore ee Al-shabaab Mukhtar Robow Abu Mansur oo hadda ku sugan gobolka Bakool.

“Runtii aniga arintaa waa ay ila fiicantahay ,Mukhtar Roobow waa nin oday ah oo la yaqaan oo goboladan taariikh ku leh , isla markaana ay dad badan garanayaan marka hadii uu ka soo laabtay fikirkii hore waan soo dhawaynaynaa.

Waxa uu sheegay in go’aanka uu qaatay Mukhtaar Robow uu qayb ka noqon doono xal u helidda nabadda iyo xasiloonada gobolada Koonfur Galbeed , isla markaana uu ka codsanayo in dowladda Somalia ay arintaa fiiro gaar ah u yeelato.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd in maamulkooda uu gar-gaar siinayo Roobow oo la sheegay in ay u gaarsanayaan Al-shabaab ayaa tilmaamay in dhankooda ay caawin karaan hadii uu kaalmo ciidan u baahdo.

“Sheekh Mukhtaar oo jooga goboladan, in kooxdaas wax ka qaadi karaan uma maleynayo, hadii wax nooga baahdo waa kaalmeyn doonaa, waxaa aaminsanahay inuu isaga filan yahay oo aan lagu weerari karin goboladan”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Mukhtar Roobow ayaa ka goostay kooxda Al-shabaab sanado ka hor kadib markii khilaaf dhanka hogaanka ah uu soo kala dhex-galay isaga iyo hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godone oo lagu dilay duqayn ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen Somalia sanadkii 2015-ka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM