Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo qarax ka badbaadey [DHEGEYSO]

Image

BAYDHADO 18 May, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka badbaaday qarax lagu khaarajin lahaa, kadib markii lala beegsadey qarax kolonyadiisa, meel u dhow magaalada Afgooye.

Shariif Xasan oo maalmahii lasoo dhaafey ku sugnaa degmada Afgooye iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa qaraxaan lagula beegsadey inta u dhexeysa Carbiska iyo degmada Afgooye,

Kolonayada gadiidkiisa ayaa ku sii jeedey deegaanka Lafoole halkaasoo madaxweynaha Koonfur galbeed doonayay inuu kula kulmo dadka deegaanka.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Maxamad Nadara oo la hadley saxafadda ayaa sheegey in aysan jirin cid qaraxa wax ku noqotay, isagoo xusey inuu ahaa miino dhulka lagu aasey.

Dhanka kale, Madaxweyne Shiriif Xasan oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ahi qaraxiisa kasoo gaarin kolonyadii uu la socdey.

Wuxuu sidoo kale cambaareeyey weerarka isgoo ku tilmaamay fal fuleynimo ah oo aan waxba ka nuqsaamin doonin shaqada mamulka Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE  

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM