Madaxweynaha Somalia iyo Jawaari oo soo dhaweeyay ansixinta xukuumadda

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo iminka ku sugan waddanka Jordan ayaa soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiirrada oo maanta helay codka golaha Barlamanka.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa Madaxweyne Farmaajo, wuxuu hambalyo ugu diray golaha Shacabka Somalia oo uu sheegay inay qaadeen tallaabo taariikhi ah oo ay ku meel-mariyeen wasiirradii uu soo dhisay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan soo dhaweynayaa go'aanka Golaha Shacabka ay kalsoonida ku siiyeen Xukuumadda RW Xasan Cali Khayre,”Ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha Somalia.

Dhinaca kale, waxaa ka hadlay ansixinta wasiirrada Guddoomiye Maxamned Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta ka maqnaa fadhiga golaha isagoo ku sugan magaalada Muqdishu.

Sii hayaha xilka Madaxweynaha Somalia, mudane Jawari, ayaa xildhibaanada Somalia ku ammaanay sida ay u rumeeyeen himilada shacabka.

"Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha , madaxweynuhu waxaa uu idinka mahadcelinaya sida isdaba jooga ah ee aad himiladiisii u hirgelisee, doorashadiisii , raisalwasarihii uu magacaabay iyo golihii wasiirada ee aad hada ansixiseen, mahadgaar ah ayuu idiin soo gudbiyey,”Ayuu yiri mudane Jawaari.

Tallaabadan ayaa timid xilli la ansixiya xukuumadda cusub iyadoo isla maanta golaha wasiirrada lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ay ku leeyihiin caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM

UK iyo Maraykanka oo Ka Digay Jabsi Ka Dhacay Nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahinta jabsiga ama tallaabooyinka la qaadayo.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 11:20AM