Madaxweynaha Somalia iyo Jawaari oo soo dhaweeyay ansixinta xukuumadda

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo iminka ku sugan waddanka Jordan ayaa soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiirrada oo maanta helay codka golaha Barlamanka.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa Madaxweyne Farmaajo, wuxuu hambalyo ugu diray golaha Shacabka Somalia oo uu sheegay inay qaadeen tallaabo taariikhi ah oo ay ku meel-mariyeen wasiirradii uu soo dhisay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan soo dhaweynayaa go'aanka Golaha Shacabka ay kalsoonida ku siiyeen Xukuumadda RW Xasan Cali Khayre,”Ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha Somalia.

Dhinaca kale, waxaa ka hadlay ansixinta wasiirrada Guddoomiye Maxamned Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta ka maqnaa fadhiga golaha isagoo ku sugan magaalada Muqdishu.

Sii hayaha xilka Madaxweynaha Somalia, mudane Jawari, ayaa xildhibaanada Somalia ku ammaanay sida ay u rumeeyeen himilada shacabka.

"Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha , madaxweynuhu waxaa uu idinka mahadcelinaya sida isdaba jooga ah ee aad himiladiisii u hirgelisee, doorashadiisii , raisalwasarihii uu magacaabay iyo golihii wasiirada ee aad hada ansixiseen, mahadgaar ah ayuu idiin soo gudbiyey,”Ayuu yiri mudane Jawaari.

Tallaabadan ayaa timid xilli la ansixiya xukuumadda cusub iyadoo isla maanta golaha wasiirrada lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ay ku leeyihiin caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM