​Madaxweynaha Somalia oo booqan doona Addis Ababa

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago waddanka Ethiopia oo kamid ah dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia, islamarkaana aad ugu lug leh siyaasadda dalka.

Booqashadan ayaa la sheegay inay ku saabsantahay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacayada wada-shaqaynta amniga iyo hormarinta.

Sida lagasoo xiganayo saraakiil katirsan Madaxtooyada Somalia, Madaxweynaha ayaa magaalada Addis Ababa u dhoofi doona galinka dambe ee maalinta Arbacada ee fooda nagusoo haysa.

Tan iyo markii la doortay 8-dii Febraayo Madaxweyne Farmaajo waa markii ugu horaysay uu dalkaas booqdo hadii uu baxo maalinta Arbacada.

Horay waxaa warbaahintu aad u tabinaysay inuu xumaaday xiriirka labada waddan, maadama Madaxweyne Farmaajo uu ka cudur daartay inuu tago dalkaas oo inta badan booqashooyin ku tagaan madaxda Somalida.

Ethiopia ayaa Madaxweynaha ka codsatay inuu soo maro kahor intuusan u duulin magaalada London oo lagu qaban doono shir looga hadlayo arrimaha Somalia.

Balse Farmaajo ayaa wararku xusayaan inuu muddo ka war-wareegayay dalabkaas.

General Gabre oo kamid ah mas’uuliyiinta sida weyn ugu dhex-jiray siyaasadda Somalia tan iyo 2006-dii, wuxuu dhawaan bartiisa Twitter ka ku qoray in Madaxweyne Farmaajo uusan ixtiraamid ciidamada Ethiopia ee ku sugan Baydhabo mar uu halkaas dhawaan booqday.

Hadalkaas ma jirin wax war ah oo ay kasoo saartay xukuumadda Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM