Madaxweynaha Somalia oo Ethiopia u dhoofay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay xarunta dalka Ethiopia ee Adis Ababa halkaasoo ka furmi doono shir ay yeelanayaan madaxda Africa.

Shirka madaxeedka IGAD ayaa diiradda lagu saari doonaa arrinta Koonfurta Suudan iyo doorashada Somalia.

Shirkan oo muddo kooban socon doona ayaa si qodo dheer looga hadli doonaan qaabka lagu xallin karo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan waddanka yar ee Koonfurta Suudaan iyadoo lagawada xaajoono in la geeyo ciidamo dheeraad ah oo amniga suga.

Doorashada Somalia ee dalka ka dhacaysa 2016 ayaa looga doodi doonaa iyadoo la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh madasha geeyo halka arrinta doorashadu marayso.

Safarka madaxweynaha Somalia ayaa kusoo aadaya xilli uu magaalada Muqdishu kasocdo shirka madaxda Federalka iyo maamul goboleedyada taasoo looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo qaabka loo wajahayo isbadalka la filayo inuu dhaco 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM